Deg Deg Xaflad Xasan Sheekh Uu Ku Shaacinayo Musharaxnimadiisa Ayaa Caawa Ka Socota Hotel City Palace Ee Magaalada Muqdisho

Hotel City Palace oo ku yaalla degmada C.casiis ee magaalada Muqdisho ayaa caawa waxa ka socota xaflad lagu taageerayo Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud.

Xafladan oo ay soo agaasimeen taageerayaasha Xasan Sheekh ayaa hada waxay toos uga socota Tv-yaal badan, waxaana xafladan lagu wadaa in ay ka qeyb qaataan inta badan Kooxda Damuul-jadiid.

Gabagabada xaflada ayaa waxa qudbad ka jeedin doona Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa ku dhawaaqi doona inuu u taaganyahay sidii uu mar kale dib ugu soo laaban lahaa xilka oo sanadkan ay ku tartamayaan musharaxiin badan.

Halkan kala soco hadba wixii warar ah ee kusoo kordha xaflada Hotel Cety Palace

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran