Dhageyso Khudabadda Daah Furka Ololaha Xasan Sheekh Ee Doorashada

Xaflad uu si rasmi ah ugu dhowaaqay  Xasan Sheekh Maxamuud inuu yahay Musharax Madaxweyne ayaa caawa waxa ay ka dhacday mid kamid ah hotelada ugu waaweyn magaalada Muqdisho.

Xafladaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay oo goob joog ka ah xildhibaanada labada gole,wasiiro iyo madax sarsare oo xilal kala duwan ka soo qabatay dalka.

Munaasabadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa khudbad ka jeediyey Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah ugaga dhawaaqay musharaxnimadiisa iyadoo maalmo kooban ay ka harsan tahay qabashada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u soo bandhigay waxqabadkiisa waxana uu ka mid yahay musharixiinta isku aaminsan inay kusoo bixi karaan tartanka doorashada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE