Faafaahinno Kasoo Baxaya Weeraradii Ismiidaaminta Ee Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdihso

Warar kala duwan ayaa waxay kasoo baayaan weeraro qaraxyo oo maanta ka dhacay magaalada caasimada ah ee muqdisho.

Weerararad oo loo adeegsaday Gaadiid laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa ka dhacay meel u dhow xarunta Ciidamada Midowga Afrika ay ku leeyihiin Muqdisho ee Xalane, waxaana qaraxa hore uu ka dhacay Bar Koontarool oo ku taala halka laga soo galo Garoonka Diyaaradaha ee Xaafada Danwadaagta ee Degmada Wadajir.

Qarax labaad oo loo adeegsady Gaari weyn oo ay ku xiranyihiin walxaha qarxa ayaa dhacay ka dib markii Gaariga hore uu furey Barta Kooontarool kaas oo gaaray ilaa afaafka hore ee Xarunta Xalane, gaar ahaa kasoo horjeedka Hotelak Nabada.

Markii ay dhaceen qaraxyada ayaa waxa goobta laga maqlay rasaas socotay ku dhawaad 20 daqiiqo taas oo la aaminsanyahay in ay ridayeen dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab oo daba socday Gaadiidka qarxay.

Faafaahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha goobta ka dhashay iyadoo jiraan dhimasho iyo dhaawac ay sababeen Qaraxyada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE