Hay’adaha UNHCR Iyo DRC Oo Deeqdii Ugu Horeysay Ka Qeybiyey Degmada Nambar 50 Ee Gobolka Shabeelada Hoose (Sawiro)

Hay’adaha kala ah UNHCR iyo DRC ayaa deeq gar gaar waxay u qeybisay Qoysas barakacayaal ah oo ku dhaqan deegaano hoos taga degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose.

Deeqdan oo ka kooban Bacaha Roobka laga galo iyo agab kale oo ay u baahnaayeen Shacabka barakacayaasha ah, halkaasi ku dhaqan, waxaana goobta mucaawinada lagu bixinayey ku sgnaa maamulka Degmada iyo saaraakiisha Ciidamada Amaanka.

Shacabka ayaa ka mahadceliyey gargaarka la gaarsiiyey, waxaana ay kusoo aaday xilli deegaanada hoos taga degmada Nambar 50 ay ka jiraan xaalado bina aadanimo, iyadoo Maamulka Gobolka Shabeelada hoose iyo kan K/galbeed oo indhaha ka laabtay dhibaatada ay la daalaa dhacayaan Shacabka.

Degnada Nambar 50 ilaa deegaanka Ceelwareegow ayaa shacabkii ku dhaqnaa waxa barakiciyey kooxo isbaheysi ah oo ka kooban Alshabaab iyo Mooryaanta xoogga ku haaysta Beeraha Gobolka, waxaana shacabka ay bideen in ay barakacaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open