Koofiyadda Barawaani Oo Ka Mid Ah Dharka Lagu Sameeyo Soomaaliya Oo Loo Iib Geeyo Dibadaha (Video)

Dadka degan degmada Baraawe ayaa caan ku ah farsamada iyo sameynta Koofiyadaha ay gashtaan Soomaalida iyo dadka kale ee Yemaniinta, waxaana koofiyadaasi loogu magac daray “Koofi Barawaani”

Sameynta koofiyadaan ayaa ah mid dhib badan, waxayna qaadataa halkii koofi in la sameeyo ugu yaraan toban maalmood sida ay sheegtay Hooyo Safiyo Maxamed oo tilmaamtay in fac ka fac kasoo gaartay sameynta koofiyad Barawaaniga, iyadana mudo 25 sano ka badan ay ka shaqeyneysay.

Koofiyad Barawaani ee lagu sameeyo degmada Baraawe ayaa waxaa loo iib geeyaa dalal ka baxsan dibada sida Sacuudiga, Mareykanka, Yurub iyo dalal kale oo ay Soomaalida ku nool yihiin. Halkii koofina waxaa la iibiyaa 50 dollar.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE