Kooxda Alshabaab Oo Sheegatay Mas’uuliyadda Weeraradii Ismiidaaminta Ee Ka Dhacay Muqdisho (Sawiro Dheeraad Ah)

Kooxda Alshabaab ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegatay mas’uuliyadda weeraradii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

War laga sii daayey warbaahinta ku hadasha Afka Alshabaab ayaa lagu sheegay in ismiidaamiyeyaal ay isku qarxiyeen goob bar-koontarool u ah Ciidamada dowlada iyo Hotel peace oo kasoo horjeeda Xarunta Xalane oo ay degenyihiin Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom.

Ujeedka weerarka ayey warkooda ku sheegeen in ay beegsadaan Hotelka Nabada oo bilooyin ka hor lagu qabtay shirkii Dowladaha IGAD ee Muqdisho lagu qabtay, waxaana warkooda sidoo kale ay ku sheegeen in khasaare ba’an u geysteen dadkii ay beegsadeen.

Dhianca kale waxa jira bur bur xoog leh oo ay geysteen weerarada qaraxyada ah, waxaana la tuhunsanyahay in burburka dhismayaasha ay ku hoos qarsanyihiin dad shacab ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open