Saraakiisha Amaanka Ee Maamulka Marka Oo Ka Warbixiyey Howlgal Ay Xalay Sameeyeen

Ciidamada Amaanka ee maamulka magaalada Marka ayaa xalay howlgallo gaar ah ka sameeyey qeybo ka mid ah magaalada.

Howlgallada oo ay qaadeen Ciidamada amaanka ayaa lagu bartilmaameedsadey goobo lagu abaabulayey falal liddi ku ah amniga waxaana lagu soo qab qabtay dad faraha kula jirey walxaha qarxa iyo agab laga sameeyo qaraxyada.

Xaafadaha Sheekh Abroone iyo Saraha ayaa Ciidamada kasoo qabteen dad horey uga mid ahaa Mooryaanta Habargidir islamarkaana hada ku shaqeeya Kaarka Kooxda Alshabaab kuwaas oo ku lug lahaa falalka lagu carqaldeenayo degenaashaha Shacabka.

Dhinac kale qalabka lasoo qabtay ayaa waxa ka mid ah alaab u badan Boolalka Baabuurta iyo Masaamiir nooca waaweyn ee Maleeshiyada Alshabaab ay u adeegsato qaraxyada.

Qalabkan iyo dadka lasoo qabtay ayaa dhamaan lagu wareejiyey Taliska Ciidamada Amisom ee deegaanka Ceeljaale, waxa saraakiisha Ciidamada amaanka ay sheegeen in ay wadaan dabagal la xiriira shakhsiyaad xalay ka baxsaday howgalka.

Howlgalkii xalay laga sameeyey xaafadaha ay isbaheysiga Mooryaanta Habargidir iyo Maleeshiyada Alshabaab ay kasoo abaabulaan dhibaateynta Shacabka ayaa waxa aad usoo dhaweeyey Shacabka ku dhaqan magaalada Marka.

Ugu dambeyntii waxa jira warar kala duwan oo ay helayaan Saraakiisha Ciidamada deegaanka oo la xiriira in isbaheysiga dhibaateynta Shacabka ku can baxay ay qorsheenayaan sidii ay u qaadi lahaayeen weeraro toos ah iyo kuwo qaraxyo oo la damacsanyihiin Xarumaha ay degenyihiin Ciidamada deegaanka iyo kuwa Amisom.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open