Sawiradii Ugu Horey Ee Laga Helay Weerarada Ismiidaaminta Ah Ee Ka Dhacay Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Sawiradii ugu horeeyey ee laga helay Goobaha maanta ay ka dhaceen weerarada ismiidaaminta ee ku yaala agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee muqdisho ayaa muujinaya burbur xoog badan.

Goobaha lagu weeraray qaraxyada ayaa wariyeyaashii gaaray waxay soo wariyeen in khasaare xoogan ay geysteen qaraxyada oo loo adeegsaay gaadiid walxaha qarxa lagu soo xirey.

Qaraxa hore oo ka dhacay Bar Koontarool ayaa lagu sheegay noociisa in uu ahaa Gaari Nooha ah halka Gaariga labaad uu ahaa Gaari Noociisa lagu sheegay UD ama Dheyno, qaraxa labaad ayaa si weyn u gilgilay guud ahaan magaalada Muqdisho.

Inta la ogyahay ku dhawaad labaatan qof ayaa geeriyooday Goobta qaraxa, halka dhaawacu uu intaas kasii badanyahay, iyadoo dadka dhaawacmay la gaarsiyey goobaha Caafimaad ee ku yaala Muqdisho.

Dhismayaasha ka ag dhow goobaha la weeraray ayaa dhamaan bu buray iyadoo laga yaabo khasaaraha uu kasii bato inta hada uu taagnyahay, maadaama tira koob rasmi ah aan lagu sameynin khasaaraha.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran