Terminaalka Cusub Ee Garoonka Muqdisho Oo Saameyn Ay Kasoo Gaartay Qaraxyadii Maanta (Sawiro)

Magaalada Muqdisho oo maanta ay gilgileen qaraxyo ay fuliyeen naftooda haligiyaal ka tirsan Alshabaab ayaa saameyn xoogan waxay  eshay inta badan xarumaha ka agdhawaa halka ay wax ka dhaceen.

Qaraxa labaad oo la sheegay in loo adeegsaday Gaariga nooca weyn ee UD ayaa saameynta ugu weyn ku yeeshay xarumaha kala ah Hotel Peace iyo Gudaha Garoonka Aadan Cadde, gaar ahaan Terminalka cusub ee bartamihii sanadkii tagay xariga laga jaray.

Burbur xoog leh ayaa laga dareemayaa Xafiisyada Terminalka cusub, waxaana aad u saameysay jugta qaraxa ee Baabuurka loo adeegsaday, waxaana qaraxa oo uu aad u gilgilay gudaha Garoonka, waxaana xillga qaraxu dhacayey cabsi dareemay dad badan oo ku jirey gudaha Garoonka oo isugu jira qaar Garoonka ka dhoofaayey iyo kuwa shaqeenaayey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE