Wabiga Shabelle Oo Biya Yareeyey Iyo Beeralaeyda Gobolka Oo Durbaba Ka Cabanaya Saameynta Abaarta (Sawiro)

Wabiga Shabelle oo mara Gobolo dhowr ah oo ku yaalla Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ayaa xilligan waxa laga dareemayaa in ay biya yari ka jirto.

Biya yaridan oo aan ilaa hada la ogeyn waxa sababagay ayaa lagu arkay Wabiga iyadoo guud ahaan uu qalal ku dhowyahay, iyadoo la arkayo Godadkii ay biyaha fadhiyeen ay dadka lugahooda ku gaarayaan.

Durbababa waxa arintan ka cabanaya Beeraleyda Shabeelada hoose oo ku howlanaa tacabka xilliga Deyrta, waxaana halis ku jira dalag xilliyeedka Deyrta oo aan biya haaysanin, iyadoo uu gurey Wabigii laga heli jirey Biyaha dabiiciga ahaa.

Beeraleyda ayaa tilmamaamay in Roob yari ay ka jirtay xilligan guud ahaan Gobolka islamarkaana sidii la rabay aanay u di’in deyrta, waxaana saameyn xoog leh ay ku haaysaa Biyo yaridan Shacabka ku dhaqan deeganada ay abaarta ka jirto.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open