“Waxa Uu Pogba Soo Wado Wey I Cabsi Galiyaan, Todobaad Waliba Horumar Ayuu Sameeyaa” Waxa Sidaa Yiri Steven Gerrard

Steven Gerrard ayaa aaminsan in Paul Pogba uu yahay “Cajiib” sidoo kalena qirtay in Manchester United inuu horumarka uu todobaad waliba sameynayo Pogba uu cabsi galiyo.

Xidiga heerka caalami ee xulka France ayaa ugu soo dhaqaaqat Old Trafford lacag rikoorka aduunka ah isagoo ku soo laabtay halkaasi kadib afar sano uu ku soo qaatay Juventus, wuxuuna ugu horeyn ku dhibtooday inuu lasoo baxo qaab ciyaareedkiisii caadiga ahaa laakin wuxuu haatan bilaabay inuu jaanta la helo Premier League, wuxuuna Pogba lasoo baxay wajigiisa dhabta ah tan iyo markuu Jose Mourinho khadkiisa dhexe ku soo celiyay Ander Herrera iyo Michael Carrick.

Arinkaas ayaa ah mid walwal galinaya kooxaha United kula xifaaltamaya tartamada gudaha sida uu BT Sport u sheegay halyeeyga Liverpool ee Gerrard kaasoo yiri “Waxaa cad inuu todobaad waliba sii korayo awood ahaan iyi farsamo ahaanba, xaqiiqdii waa tayo cajiib ah”.

“Markii h–e waxaa culeys ku hayay qiimaha dushiisa saarnaa sidoo kalena kooxdiisa isma heysan, laakin haatan wuxuu dib u helay qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa,  waxaan filayaa in la mataaneysiinta Carrick ay sababtay inaan aragno Paul Pogba-hii aan dhamaanteen sugeynay inaan aragno, si aanan caadi aheyn ayuu u horumaray”.

“Waa wiil yar, awood jireed leh, wuxuu leeyahay wax waliba oo looga baahan yahay ciyaariyahan, waxaa hubaal ah uusan shaki ku jirin inuu yahay mid kamid ah kuwa ugu fiican aduunka ee booskiisa, taasina waa mid i cabsi galineysa aniga ka taageere Liverpool ahaa ahaan”.

by Abdirahman Qoslaaye

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open