Xilliga Ay Dhaceyso Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Oo Maanta La Go’aamiyey

Gudiga qaban qaabada doorashada Baarlamaanka Fedaraalka oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray xilliga ay qabsoomi doonto doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Qoraal ay soo saareen Gudiga oo maalintii shalay la magacaabay ayaa sheegay in 11 Janaayo ay qabsoomi doonto doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyadoo maalinta xiga ee 12-ka Jaanyo la qaban doono doorashada ku xigeeda Gudoomiyaha.

Waxa ay sheegeen Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Golaha shacabka in ay si wanaagsan u socoto qaban qaabada ku aadan Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo labadiisa ku xigeen.

Magaalada Muqdisho ayaa waxa ka socota qaban qaabada doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Aqalka hoose, waxaana jira musharaxiin badan oo loolan ugu jira inay kusoo baxaan tartanka.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE