Dhageyso Gudiga Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Oo Maanta Bilaabaya Diiwaangelinta Musharxiinta

Waxaa maanta la filayaa in magaalada Muqdisho ay ka bilaabato diiwaan gelinta musharixiinta Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa Xildhibaan C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Maanta oo Talaado ah Taariikhduna ay ku beegan tahay 03 Janaayo in Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho ay ka bilaabaneyso diiwaan gelinta Musharaxiinta u tartameysa Guddoomiyaha Baarlamaanka, Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad.

Gr Beyle ayaa sidoo kale sheegay in ilaa 5 Bisha Janaayo oo Maalinta Khamiista ku beegan in la diiwaan gelinayo Musharaxiinta diyaarka u ah inay tartanka ka qeyb gasho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open