Kulan Prof Jawaari Looga Dalbanaayey Inuu Isu Soo Sharaxo Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Muqdisho Lagu Qabtay (Sawiro)

Kulan ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb galeen siyaasiyiin, Xildhibaano Wasiiro, dhalin yaro Ururada Bulshada iyo Ururada Haweenka ayaa lagu dalbaday inuu isa soo sharaxo Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Kalanka oo hadalo kala duwan laga jeediyey ayaa kasoo qeyb galayaasha waxay aad u amaaneen Mudane Jawaari oo ay ku sheegeen mas’ul xil kas ah oo mudan in markale uu isu soo taago qabashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Fedaraalka.

Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Maxamed Baarqab, , Gudoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheikh Axmed Gabale iyo Wasiirkii hore ee Wasaarada Haweenka Aamino Maxamed Mursal ayaa daboolka ka qaaday in ay Jawaari ka codsanayaan inuu isu soo taago jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka , waxayna cadeeyeen inuu mudan yahya inuu xilkaasi ku soo baxo, iyagoo xusay in gabdhaha ku jira Baarlamaanka ay ka go’an tahay inay codkooda siiyaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE