Madaxweynaha Jubbaland Oo Deg Deg Kismaayo Ugaga Yeeray Xildhibaanada Labada Aqal Ee Lagu Soo Doortay Magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaladn Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa magaalada Kismaayo uga yeeray Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka.

Xildhibanaad labada aqal ayaa la sheegayaa in dhamaan manta ay ka degeneen Garoonka Kismaayo, iyagoo ajiibay hadalka Madaxweynaha Jubbaladn, waxaana Mudanayaasha hogaaminaya sida la sheegay Maxamed Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka mid xubnaha aqalka sare.

Sababta ka dambeysa in Mudanayaasha looga yeero Kismaayo ayaa la sheegayaa in ay la xiriirto sidii ay wada tashan lahaayeen arimaha doorashooyinka oo qaban qaabadooda ay hada ka socoto Muqdisho.

Maamulka Jubbaland ayaa doonaya in Xildhibaanada uu kula taliyo sidii ay usoo dooran lahaayeen Musharax Madaxweyne oo siyaasad ahaan ay la dhacsanyihiin iyo sidii ay uga soo horjeesan lahaayeen siyaasiyiinta kale ee loolanka kula jira shakhsiga ay wataan.

Madaxda Maamul Goboleedyada qaarkood ayaa olole ugu jira inay hogaanka Talada dalka ugu garbeeyaan musharaxa ay la dhacsanyihiin.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran