Madaxweyne C.weli Gaas “Isbedel Ayaa Iiga Muuqda Xildhibanada La Doortay, Waxaan Rajeenayaa In Doorashada Madaxtinimo Isbedel Dhaco” (Video)

Waxaa maanta magaalada Boosaaso dib ugu laabtay Madaxwaynaha maamulka Puntland C.wali Gaas oo Mudooyinkii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho, Wuxuuna ka hadlay Masuuliyiin ka tirsan Puntland oo lagu dilay Boosaaso iyo Isbadalka uu Filayo inuu Soomaaliya Hogaankeeda ku yimaado.

Madaxweyne Gaas ayaa saxaafada uga warbixiyey doorashada Madaxtinimo ee dhawaan ka dhaxeysa Soomaaliya, waxaana uu sheegay in isbedel laga rajeenayo doorashada.

“Runtii waxaan rajeenaynaa in isbadal wanaagsan ay kasoo baxaan doorashada Madaxweynaha Soomaliya ee dhacaysa sanadkaan 2017-ka, isbadal wanaagsan ayaa iiga muuqda xildhibaanada kusoo baxay Golaha shacabka Soomaliya” Ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay dilalkii qorshaysaan ee ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, kuwasoo lagu dilay Mas’uliyiin ka Tirsan maamulka ayna sheegteen kooxda Al-shabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE