Taliyaha Ciidamada Uganda Oo Soo Gaaray Muqdisho Ayaa Kulamo La Qaatay Saraakiisha AMISOM Iyo Madax Kale (Sawiro)

Taliyaha Ugu sareeya Ciidamada Uganda ayaa socdaal ku yimid magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, oo joogaan Ciidamo ka socda dalkiisa.

Genaraal Katubma Wamala oo shalay Muqdisho yimid ayaa kulamo la qaatay Saraakiisha Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalkiisa ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika iyo Ergeyga Qaramada midoobe u qaabilsan arimaha Soomaaliya Micheal Keating.

Wamala ayaa sheegay in la gaaray xilligii Soomaaliya ay dhisan laheyd Ciidan xoog badan oo AMISOM kala wareega Amaanka iyo dardar gelinta sidii Soomaaliya loogu madax baneyn lahaa howlaheeda la dagaalanka kooxaha Nabad diidka.

Dowlada Uganda ayaa Ciidamo badan waxa ay ka joogaan Soomaaliya, waxaana ay qeyb ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo ay dalka ka jirin Ciidan Soomaali oo xoog badan islamarkaana la wareega Amaanka.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran