Xildhibaano Iyo Wasiiro Ka Tirsan K/galbeed Oo Maanta Kulan Ku Yeeshay Muqdisho Ayaa Dhaliil Usoo Jeediyey Hogaamiye Shariif Sakiin

Xildhibaano iyo Wasiiro ka iyo tirsan Baarlamaanka Maamulka K/galbeed oo manta shirk u yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si kulul u dhaliilay Hogaamiyaha Maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Mudanayaashan oo aad u dhaliilsan hanaanka Maamulka ee Shariif Xasan ayaa soo bandhigay eedaha uu muteystay intii uu xilka haayey isago haatan isu soo taagay qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaanada iyo kulanka soo xaadirey ayaa dhamaan madasha ka sheegay in Shariif Xasan uu ku fashilmay wax u qabshada shacabka la daalaa dhacaya Abaarta iyo Colaada, waxaana ay ku eedeeyeen xil gudasha la’aan iyo ka warqab la’aan shacabkiisa.

Mas’uuliyiinta halkaasi ka hadlay ayaa waxa ka mid ahaa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Maamulka K/galbeed Maclin Bare waxaana uu tilmaamay in Shariif maalin kasta uu saaranyahay Diyaarad isagoo aan laheyn xafiis iyo goob looga hagaago.

Mudanayaasha qaarkood ayaa ka dhawaajiyey in Shariif aanu xaq u lahaan Karin in uu isu soo taago Tartanka Musharaxiinta dalka isagoo ku fashilan inuu wax ka qabto Maamulka Baydhaba uu ku go’doomiyey, isagoo hareer maray siday sheegeen dhaartii afarta sano ee uu ku dhaartay in uu la imaan doono waxqabad iyo karti.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open