Bayaan Kasoo Baxay Afahayeenka Midnimada Iyo Aaya Ka Talinta Shabeelada Hoose Oo Ku Baaqay In Loo Gurmado…..

Bayaankaan,oo ka soo baxay Golaha Midnimada iyo Aaya ka tashiga Gobolka Shabeelaha hoose, ayaa guud ahaan shacabka loogu Baaqay,gaar ahaan Ganacsatada,&Gaadiidleeyda ka shaqeeya Gobolka, in eeysan bixinin wax canshuur ah, laga bilaabo 05/01 /2017.

Waxaa wax aad loogu xumaada ah,iyadoo ay Abaar aad u baahsan ay ka jirto guud ahaan Deegaanada Koonfur galbeed, iyadoo wabigii shabelle aad u jeedaan in uu isu badalay Garoon kubada lagu ciyaaro, waxaa nasiib-dara ah,Hogaanka Maamul-goboleedka Koonfur galbeed, uusan wax dan ah uusan ka laheyn,& ka warqabid la’aan shacabka Koonfur galbeed kuna sifoobay
Cadaalad-daro & Amni-la’aan
Maamul-xumo, Musuq-maasuqa baahsan&Ku takri falid Dhaqaalaha anshuuraha shacabka, safaro aan ujeed & ka jeed toona laheyn.

Ugu danbeytii, waxaan ugu Dhigeeynay Maamulka Koonfur galbeed,& wakiiladiisa Degmooyinka Gobolka Shabeelaha hoose in eeysan isku dayin, laga bilaabo Taariikhdaaan in aysan shacabkan xaalad adag ee Abaaraha & Amni-darada la daalaa dhacaaya ineeysan ku qasbin weydiinta canshuuraha, taasi waxa eey dhalin kartaa oo ay sababi kartaa in Amniga jilicsan ee hada Gobolka ka jirta ineey faraha ka baxaan.
Dr,Cali Cabdi Baab.

Afhayeenka Golaha Midnimada & Aaya ka tashiga Gobolka Shabeelaha hoose.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran