Dadka Ku Barakacay Deegaanada Galbeedka Nambar 50 Oo Ay Soo Wajahday Xaalado Bina Aadanimo (Sawiro)

Deegaanada Fida-muuse iyo Fida-kuus waa dhul dhanka Galbeed kaga Beegaan Degmada Nambar 50, waxaana ay ka mid ahaayeen kuwa ugu badan ee ay ku barakaceen Shacabka Muuri iyo Nambar 50.

Shacabka deegaanadaas ku barakacay ayaa ka cararay kooxo Urur Diimeed isku sheegay oo is xaq dara ah u baneysatay dhiiga iyo Hantida Maatida Masaakiinta ah ee aan hubeysneyn.

Inkastoo ujeedo laga lahaa barakicinta Shacabka Muuri, Rooxoole (Km 50) ilaa Ceelwareegow iyo deeganaada la midka ah, ayaa shacabka waxay dantu biday in ay u cararaan ama maciin bidaan goobo ay amaankooda sugaan Ciidamo ajaaniib ah oo aan dalka u dhalian.

U fiirso : kuwa laga qaxayo waa Soomaali magac diimeed huwan laakiin magacaas marka hoos loo daadego uu kusoo baxayo in siyaasadi ku hoos qarsantahay.

Sawirada laga soo qaaday dadka barakacay ee loo qoonsaday in ay guryahooda si nabad ah ku joogaan ayaa waxa ka muuqda Duruuf iyo Nolol xumo ay ku qasbeen kooxda u adeegta danaha Mooryaanta ee ka leexday magaca ay wataan ujeedadii loo sameeyey.

Dadka barakacayaasha ah ma haaystaan inta badan goobo ay ka helaan aadeegyadii ay u baahnaayeen, waxaana si adag u saameysay Abaarta dalka ka jirta, waxaana usii dheer in wadadii ay u mari laheyd sahayd laga xirey.

Alshabaab oo heshiis kula jirta Mooryaanta Habargidir ee xooga ku haaysta Beeraha iyo deegaanada Shabeelada hoose inay barakiciso Shacabka ayaa ku fashilmay ujeedooyinkii guracnaa ee ay la damacsanaayeen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran