Deg Deg Ciidamada Amaanka Ee Maamulka Marka Oo Gacanta Ku Dhigay Dhagar Qabe Ka Tirsan Alshabaab Oo Qarax Aasayey

Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in Ciidamada Amaanka ee Maamulka magaalada Marka ay gacanta ku dhigeen dhagar qabe ka tirsan Maleeshiyada Kooxda Alshabaab.

Ka dib howlgal Ciidamada deegaanka ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa Deegaanka Buufow bacaad iyo Magaalada Marka ayaa  waxay gacanta ku dhigeen Nin la sheegay in uu qarax ku aasayey wadada Waa-cuneenaa ee aadaa dhinaca magaalada.

Dhagar qabahan oo hada gacanta ugu jira Ciidamada amaanka ayaa waxa ku socda Baaritaan lagu xaqiijinayo ciddala shaqeeneysay iyo dhagaraha tirada badan ee uu u maleegay Shacabka isagoo ka tirsan Shabaab.

Saraakiisha Amaanka ee Maamulka Marka ayaa sheegay in ay ku guuleysteen howlaglkii sake islamaraana ay ku raad joogaan dhagar qabayaal badan oo caada ka dhigtay in ay dhibaateeyaan Shacabka aan hubeysneyn.

Dhowr habeen ka hor ayey aheyd markii Ciidamada amaanka ay howlgallo ka sameeyeen qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Marka oo qorshayaal liddi ku ah amaanka ay kasoo maleegayeen dhagar qabayaal caadeystay daadinta dhiiga umada Soomaaliyeed.

Waxaan soo gudbin doonnaa warar kale oo dheeraad ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open