Dhageyso Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Oo Si Deg Deg Ah Uga Soo Jawaabay Codsigii Loo Jeediyey Kuna Dhawaaqay Musharaxnimadiisa

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo Warbaahinta la hadlay ayaa Maanta ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan qabashada Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay inuu isku soo sharaxay Codsi kaga yimid qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Bulshada Soomaaliyeed oo ka dalbaday inuu isku soo taago Xilka Gudoonka Baarlamaanka.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa tilmaamay in 4tii sono ee uu soo ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya inuu horumariyey hawlaha Baarlamaanka dalka Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open