Musharax Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed Oo Lagu Soo Dhaweeyey Magaalada Kismaayo (Sawiro)

Madaxweynhii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna Musharax Madaxweyne ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo oo xarun KGM u ah Maamul Goboleedka Jubbaladn.

Sheekh Shariif ayaa Garoonka Diyaaradaha waxa kusoo dhaweeyey Madaxda Maamulka Jubbaland oo ay ugu horeeyaan Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa labaad Suldaan Luga dheere iyo dad badan oo ka qeyb galay soo dhaweynta.

Musharax Madaxweyne Shariif ayaa ka mahadceliyey soo dhaweyntii loo sameeyey, isagoo bulshada ay ku amaaneen shakhsi howlkar oo mudan in lagu aamino hogaaminta talada dalka.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sanadii 2012-ka looga adkaaday doorashdii ka dhacday Soomaaliya ayaa mar kale u taagan in uu u tartamo xilka Madaxweynaha, waxaana lagu tirinayaa in uu ka mid yahay musharaxiinta ugu cad cad tartanka Madaxtinmo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran