Saaxiibka Koowaad Ee Xasan Sheekh Maxamuud Oo Isu Soo Taagay Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka

Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegayaa in uu isu soo sharaxay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Golaha Shacabka.

Faarax Sheekh oo aan weli ku dhawaaqin Musharxanimadiisa ayaa la sheegayaa in uu ka mid yahay shakhsiyaadka loo fili karo inay ku guuleystaan xilka hadii uu isa soo sharaxo.

Xildhibaankan ayaa waxa musharaxnimada uga horeeyey Xildhibaanada Khadiija Maxamed Diiriya oo beel ahaan ay isku abtirsadaan Faarax, waxaana Khadiija ay noqoneysaa Haweeneydii ugu horeysay ee isu soo taaga xilka Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka.

Faarax oo ka soo jeeda beesha Shanaad ayaa u tartamaya xilka Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay tahay tallaabo dad badan ku qasbi karta inay tanaasulaan.

Siyaasiyiinta la rumeysanyahay inay saaxiino dhow wada yihiin Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intooda badan isu sootaagaya qabashada jagooyin siyaasadeed, waxaana arintani lagu tilmaamayaa in kooxda Damul-jadiid ay dooneyso in ay kasoo dhalaasho hogaanka siyaasadda dalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open