Tottenham Oo White Hart Lane Ku Dubatay Chelsea, Guulihii Xidhiidhka Ahaa Ee Blues Oo Soo Dhamaaday, Dele Alli Oo Laba Gool Dhaliyay Iyo Spurs Oo Kaalinta Saddexaad Soo Gasahay

Tottenham ayaa soo gabagabaysay rekoodhkii guulaha xidhiidhka ah ee Chelsea kadib markii ay White Hart Lane ku dibteen iyada oo Spurs ay noqotay kooxda Blues ka joojisay in ay taariikh cusub ka dhigto horyaalka Premier leaque-ga . Tottenham ayaa bandhig cajiib ah samaysay si ay saddexda dhibcood uga qaadato kooxda horyaalka Premier leaque-ga hogaaminaysa ee Chelsea. Dele Alli ayaa noqday geesiga Tottenham guushan dahabiga ah ku hogaamiyay isaga oo laba gool oo madax ah dhulka kudhigay Blues waxayna Tottenham soo gaashay kaalinta saddexaad iyada oo Manchester City iyo Arsenal galaad iska marisay.

Chelsea ayaan guuldaro soo arkin tan iyo wixii ka danbeeyay kulankii Arsenal waxayna soo qabteen shaqo layaableh balse kulankii Tottenham ayayna soo bandhigin qaab ciyaareedkii looga bartay halka kooxda martida loo ahaa ee Tottenham ay muujisay sida ay ula awood tahay kooxaha waa wayn isla markaana ay koobka Premier leaque-ga ugu tartami karo.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

TOTTENHAM (3-4-3): Lloris; Dier, Alderweireld, Vertonghen; Walker, Dembele, Wanyama, Rose; Alli, Eriksen, Kane.

KAYDKA:Son, Vorm, Trippier, Sissoko, Wimmer, Winks, Davies.

CHELSEA (3-4-3): Courtois; Azpilicueta, Luiz, Cahill; Moses, Matic, Kante, Alonso; Pedro, Hazard, Costa.

KAYDKA:Begovic, Ivanovic, Fabregas, Zouma, Willian, Batshuayi, Chalobah.

Tottenham iyo Chelsea ayaa qaytii h–e ee kulankan soo bandhigay qaab ciyaareed aad u xamaasad badan waxaana la dareemayay kulaylka uu leeyahay kulanka London Derby ee u dhexeeyay kooxaha Spurs iyo Blues. Waxa uu ahaa kulan ay labada kooxoodba si wayn ugu dagaalamayeen in ay guul gaadheen laakiin qaladaadka difaac ee labada kooxood ayaa ahaa mid yar oo weerarka labada kooxood u diiday in ay sameeyeen fursado badan oo goolal lagu dhalin karo.

Eden Hazard ayaa noqday xidigii fursadii ugu fiicnayd ee kulankan helay balse xidiga ree Belgium ayaan kooxdiisa fursada uga faa’iidayn kadib markii uu Matic ka helay kubbad cajiib ah sidoo kale isku dhacaya labada ciyaartoy ayaa xili horeba la arkayay iyada oo Cesar Azpilicueta ay isku dhaceen Mousa Dembele iyo Jan Vertonghen balse ciyaartoyna muu doonayn in kulankan oo kale uu xaalad xun ku abuuro kooxdiisa.

DAQIIQADII 24 AAD  Tottenham ayaa heshay fursad aad u fiican kadib markii ay isku xidhmeen Victor Wanyama iyo Eriksen laakiin darbo uu goolka Blues ku tuuray Eriksen ayaa bartilmaameedkeeda seegtay balse waxay ahayd darbo looga bartay in xidiga ree Denmark uu goolal ku dhaliyo.

Dhinaca kale Chelsea ayaa dadaal wayn ugu jirtay in ay Tottenham ku aamusiiso goolka furitaanka waxaana jiray weero deg deg ah oo ay xidigaha Blues soo dhisayeen basle Costa iyo Pedro ayaa u muuqday kuwo isku cadhooday kadib markii uu burburay weerar deg deg ah ay Chelsea ka soo shaqaysay, waxaana la arkayay xidigaha ree Spain oo si xun u wada hadlaya.

DAQIIQADII 45+1 AAD GOOOOOOOOOOOL! Tottenham ayaa ugu danbayn jabisay ismari waagii ciyaarta ee waqtiga dheer soo jiray waxaana gool qurux badan oo madax ah Spurs udhaliyay da’yarka aan gool dhalinta xili ciyaareedkan joojinayn ee Bamidele Alli kaas oo Courtios u diiday in uu wax badbaadin ah sameeyo isaga oo goolkan ku dhaliyay karoos fiican oo uu ka helay Christian Eriksen waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Tottenham hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Markii layskugu soo laabtay qaytii danbe ee ciyaarta ayay labada kooxoodba garoonka dib ugu laabteen iyaga oo aan wax isbadal ahku samayn shixihii ay ku soo bilawdeen waxayna Blues doonaysay in ay xili h–e iska soo celiso goolka hogaanka looga hayay waxaana daqiiqadii 48 aad fursad fiican helay Costa laakiin goolhaye Lloris ayaa sameeyay badbaadin fiican.

DAQIIQADII 54 AAD GOOOOOOOOOOOOOL! Tottenham ayaa qaab la mid ah goolkii furitaanka kula timid goolkeeda labaad kadib markii uu  Bamidele Alli goolkiisa labaad ku dhaliyay madax isaga oo markii labaad gool caawin ka helay isla Christian Eriksen, wuxuuna Dele Alli uu markan ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Spurs hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay.

DAQIIQADII 65 AAD Antonio Conte ayaa kooxdiisa uga cabsaday in cadaadiska aysii xejin kari waydo oo ay goolka saddexaad la kulanto wuxuuna shaxdiisa ku sameeyay isbadal isaga oo ciyaarta ka saaray Marcos Alonso  isaga oo kaydka uga yeedhay Willian Borges Da Silva. Tottenham ayaa noqotay kooxda kubbada la wareegtay isla markaana halis badan ku abuuraysay goolka Blues.

Chelsea ayaan ciyaarta waxba ka badalin waxayna ku dhibtoonaysay in ay abuurto fursado goolal lagu dhalin karo iyada oo Tottenham wali sii ahayd kooxda looga cabsanayay in ay la timaado goolka saddexaad wuxuuna Conte markan ciyaarta ka saaray N’Golo Kanté si uu uhelo hal abuurka Francesc Fàbregas wuxuuna xidiga ree Spain ciyaarta soo galay daqiiqadii 79 aad ee ciyaarta.

Antonio Conte ayaa lambarkasta garaacay si uu xaalada wax uga badalo wuxuuna daqiiqadii 85 aad ciyaarta ka saaray Victor Moses si weerarkiisa ugu soo xoojiyo Michy Batshuayi laakiin Tottenham ayaa qaybtii danbe ee kulankan soo bandhigtay qaab ciyaareed ay Chelsea ku adkayd in ay gool la iman karto.

Chelsea ayaan soo bandhigin qaab ciyaareedkii looga bartay ee ay 13 ka kulan ee xidhiidhka ah ku soo gaadh waxayna noqotay Tottenham kooxda Blues ka joojisay in ay taariikh cusub u dhigto Premier Leaque-ga iyada Spurs soo gabagabaysay guulihii xidhiidhka ahaa ee kooxda Antonio Conte isla markaana waxay Tottenham gaadhay guul dahabi ah si ay kaalinta saddexaad ee Premier Leaque-ga u soo gasho waxayna ciyaartu ku dhamaatay 2:0 ay Tottenham ku soo garaacday kooxda hogaanka Premier Leaque-ga haysa ee Chelsea.

by Mohamoud Batalaale

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran