Wararkii Ugu Dambeeyey Gaari Walxaha Qarxa Lagu Soo Xirey Oo Ku Qarxay Gudaha Xarunta UNDP Ee Magaalada Muqdisho

Xarunta Hey’adda UNDP ee ku taalla Wadada aada Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay qarax lagu soo xirey mid ka mid ah Gaadiidka xaruntaasi laga leeyahay.

Gaari noociisa lagu shegay Qooqan xalay lagu xareeyey Garaash ku yaalla dhismaha ku dhax yaall xarunta, waxaana jira warar sheegaya in gaariga lagu xirey qaraxa uu ku xareysnaa Garaashka dhismaha ku dhex yaala.

Qooqanta oo markii lagu xareenayey dhismaha UNDP la aaminsanyahay in uu ku xirnaa Qaraxa ayaa markii la dhigay Garaashka gudaha dhismaha qarxay, waxaana lasoo sheegayaa in ay ku dhaawacmeen askar ka tirsan ilaalada xarunta.

Garaashka la sheegay in qaraxa uu ka dhacay ayaa waxa la waregay Saraakiil ka tirsan UNDP, waxaana sidoo kale goobtaasi gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad sugidda qaranka si ay uga qeyb qaataan baaritaanka qaraxa.

Ma jiro macluumaad dheeri ah oo ku saabsan qaraxa iyo sida loo geliyey Garaashka, hase ahaatee waxa socda baaritaan la xiriira sidii loo ogaan lahaa cidda qaraxyadaasi ka dambeysa.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran