Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya Oo Gudoomiye Cusub U Magacaawday Degmada Hilwaa (Akhriso)

Wareegto laga soo saaray Madaxtooda Soomaaliya ayaa xilkii looga qaaday Gudoomiyihii degmada Hilwaa ee Gobolka Banaadir.

Wareegtada oo kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Waaarada Arimaha Gudaha ayaa lagu magacaabay Gudoomiyaha Cusub oo ay yeelaneyso degmada Hilwaa Maxamed Axmed Xaashi (Qoslaaye), xilkiina looga qaaday Gudoomiyihii hore.

Gudoomiyaha cusub ee Hilwaa ayaa la sheegay in uu ka mid yahay shaqaalaha dowlada, waxaana uu ka tirsanaa Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya isagoo hada noqonaya Gudoomiye degmo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open