Xog Khilaaf Ku Saabsan Cidda Isu Soo Sharaxeysa Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Baarlamaanka Soo Kala Dhexgalay Xidlhibaan Ibbi Iyo Xildhibaan Cabdalle Xuseen Cali

Xog si hoose ay u heleyso Markacdey.com ayaa sheegeysa in uu jiro khilaaf u dhaxeeya laba ka mid ah Xildhibaanada Beesha Biimaal ee ku jira Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedaraalka.

Khilaafka oo jiitamaya ku dhawaad hal bil ayaa meesha ka saaray kulamadii iyo wadatashiyada ay yeelan jireen xisbiga Sharta, waxaana khilaafka uu u muuqdaa mid kala qeybiyey xisbiga Ibraahin Cali Xaaji.

Wararka sida hoose loo helayo ayaa tilmaamaya in khilaafka uu ka dhashay ka dib markii labada Mudane Cabdalle Xuseen Cali iyo C/raxmaan Ibbi ay isku qabteen shakhsiga mudan in uu isu soo taago, Tartanka Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka.

Shir labadan Xildhibaan ay si gaar ah u yeesheen ayaa Xildhibaan Ibbi uu weydiistay Xildhibaan Cabdalle in uu ku taageero tartanka Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, islamarkaana isaga hankiisa uu ka saaro in uu isu soo taago Tartanka.

Labadan Mudane oo midba midka kale uu la daalaa dhacayo Taageere la’aan iyo siyaasad fashilantay ayaa ku kala kacay shirkooda, waxaana midba midka kale uu ku dhegay in uu yahay Musharax ku kalsoon Naftiisa.

Xildhibaan Ibbi ayaa aad u doonaayey in ka mid noqdo Tartamayaasha Gudoonka labaad ee Baarlamaanka, oo saami qeybsi ahaan inta badan ay ku tartamaan Siyaasiyiinta kasoo jeeda Beelaha Waqooyi.

Khilaafka oo mar dambe laga war helay ayaa waxa soo farageliyey Hogaamiyaha Xisbiga Sharta Ibraahin Cali Xaaji, waxaana uu soo jeediyey in Xildhibaan Ibbi uu ka tanaasulo musharaxnimadiisa, isagoo muujiyey siduu ula safanyahay Cabdalle.

Soo jeedinta Ibraahin Cali Xaaji ayaa keentay in ay kala shakiyaan xubnaha ugu cad cad Xisbiga Sharwadayaasha ee isku koobay dhaqanka iyo Siyaasadda Beesha Biimaal.

Wararka kale ee la xiriira siyaasada labadan shakhsi ayaa tilmaameysa in ay la kulmayaan guul darooyin siyaasadeed, Ibbi oo lagu eedeeyo inuu ka mid ahaa siyaasiyiintii ku lugta yeeshay kiiskii lagu Iibsaday Badda Soomaaliya ayaa doonaya in uu isku soo dhiso musharaxnimadiisa.

Cabdalle Xuseen Cali oo iminka ay kala guureen koooxdii mudada dheer ku haaysay siyaasadda Madaxtooyada ee Damul-jadiid, waxaana Xildhibaanka uu doonayaa in uu isku kalsooni geliyo Musharaxnimadiisa.

Inta badan xildhibaanada Beesha Biimaal ee lagu soo doortay magaalada Baydhaba iyo xisbigooda Sharta ah ayaan wax kalsooi ah ka qabin Beesha ay ka boobeen siyaasadda iyo dhaqanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE