Dhageyso Dowlada Mareekanka Oo Soo Dhaweysay Dadaalada Doorashooyinka Ee Soomaaliya

Dowladda Maraykanka ayaa ka hadashay Doorashada Soomaaliya waxayna si diiran usoo dhaweysay furitaanka Fadhiga Baarlamaanka iyo waqtiyeynta xiliga Doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Kaaliyaha Xoghayaha Arimaha Bulshada dowladda Maraykanka John Kirby ayaa sheegay in Maraykanku soo dhaweynayo Doorashada Soomaaliya isagoona xusay iney tahay tallaabo loo qaaday dhanka  Xasiloonida Siyaasada Soomaaliya.

Maraykanka ayaa walaac ka muujiyey Musuq-Maasuqa ka jira Doorashada Soomaaliya,John Kirby ayaa dhanka kale ka tacsiyeeyey Qaraxyadii dhawaan ka dhacay Muqdisho,Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay iney sii wadayso Taageerada ay la garab taagan tahay Hawlgalka AMISOM iyo Ciidanka Soomaalida si looga hortago isku dayada Al-shabaab ay ku doonayaan iney ku carqaladeeyaan Doorashada Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE