Dhageyso Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta K/galbeed “Lacagta Uu Isku Soo Sharaxay Shariif Xasan Dadkii Iska Lahaa Waa Gaajeesanyihiin”

Wsiirka Diinta iyo Awqaafta Maamulka Koonfur galbeed ayaa war kasoo saaray Musharaxnimada Shariif Xasan oo fashil maamul uu ku haaysto deegaanada K/galbeed.

Wasiir Axmed Maxamed Macalin Bare ayaa sheegay in musharax uu noqon karo qof gurigiisa nadiifsaday ama cadaalad ka dhigay deegaanada uu maamulo ayuu tilmamay inuu isu soo taagi karo qabashada xilka Madaxweynenimo iyo hogaaminta dalka.

Waxa uu tilmamaay Wasiirka in aanay raali ka aheyn musharaxnimada Shariif oo soo dayacay Shacabka ku nool seddaxda Gobol ee hoos taga Maamulkiisa, isagoo sidoo kale ku eedeeyey xil gudasha la’aan, cadaalad daro, Musuq maasuq iyo eex joogta ah.

Shir ka dhacay magaalada Muqdisho oo shalay ay wada qaateen Shariif iyo Xildhibaano tira yar oo taageersan mushraxnimadiisa ayuu ku sheegay in shirkaas uu ahaa mid been leysugu sheegay oo aan looga hadlin danta umada xilka loo qaaday.

Wasiiraka ayaa Shaaca ka qaaday in Lacag gaareysa 3 Million oo dollarka Mareykanaka ah Shariif uu ka soo qaatay Madaxda Imaaraadaka Carabta kuna  soo qaatay Magaca Shacabka Koonfur Galbeed lagacagtaasina uu leexsaday qeyb ka mid ahna uu   isku sharxay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open