Ergeyga Gaarka Ah Ee Qaramada Midoobe Ee Arimaha Soomaaliya Oo Ka Degay Magaalada Beledweyne

Ergayga gaarka ah ee QM u qabailsan Arrimaha Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Baladweyne ee bartamaha Soomaaliya, isagoo halkaas shirar kula leh Madaxda Maamulka Hirshabelle iyo Odayaasha dhaqanka ee Gobalkaas.

Wada hadaladan ayaa la rumeysan yahay in diiradda lagu saarayo arrimaha Siyaasadda ee Soomaaliya iyo sidii ay Odayaashan u taageeri lahaayeen geedi socodka iyo dhismaha Maamulka Jowhar dhawaan lagu doortay magaalada Jowhar.

Danjire Kitting ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Baledweyne ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali C/llaahi Cosoble iyo qaar kamid ah Baarlamanka maamulkaasi.

Odayaasha dhaqanka Beledweyne ayaa si aad ah uga soo horjeeda dhismaha Maamulka Hirshabelle, waxaana jira siyaasado is diidan oo lagu dhisay Maamulka Cali C/llaahi Cosoble iyadoo Waxgaradka ay diideen inay tanaasulaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open