Xiisad Dagaal Oo Saake Laga Soo Sheegayo Degmada Garbahaarey Ee Xarunta Gobolka Gedo

Wararka ka imanaay Magaalada Garbahaarey Ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in Xiisad dagaal ay halkaasi ka taagay, Xiisadan ayaa timid kadib Markii Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay la wareegeen dhammaan Xarumihii uu ku shaqaynayey Maamulka Degmada.

Gudoomiyaha Maamulka Garbahaareey Nuur Maxamed Buraale ayaa sheegay in dhammaan Xarumihii ay ku shaqaynayeen ay la wareegeen Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya,wuxuuna beeniyey in wax xilka qaadis ah lagu sameeyey Maamulkiisa, Arintan ayuu sheegay iney u gudbiyeen Maamulka Jubbaland jawaabne ay ka sugayaan.

Nuur Maxamed Buraale ayaa sheegay in Degmada Garbahaareey ay ka taagan tahay Xiisad sababi karta dagaal ka dhaca Degmadaasi, Wuxuuna ka digay ficillo ka imaan kara tallaabada ay Ciidamadu ku qabsadeen Xarumihii Maamulka Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open