Xiisado Colaadeed Oo Maanta Ka Taagan Deegaanada Buul-Xaanshi Iyo Buul-cadey Degmada Nambar 50 Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Deegaano ka tirsan Magaalada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa waxa maanta ka jira xiisado colaadeed ka dib markii halkaasi ay isku fara saareen Ciidamada Maamulka deegaanka iyo Kooxo hubeysan.

Wararka aan saake heleyno ayaa noo xaqqiijiyey in xaasadaha ka jira deegaanada Buula-xaashi iyo Buula-cadey ay ka dambeysay ka dib dagaal kooban oo shalay ka dhacay Beer halkaasi u dhow oo xoog uu ku haaysto Mooryaan lagu magacaabo Xuseen Mooryaan.

Maamulka Deegaanka ayaa xoojiyey islamarkaana Ciidamo dheeraad ah ku kordhiyey Ciidamo xalay halkaasi ku hoyday, waxaana dhinaca kale beerta soo buux dhaafiyey maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo dulmi ku garab taagan Mooryaanta Habar gidir.

Saraakiisha Ciidamada deegaanka ayaa ku waramaya in xiisadda saake jirta ay tahay mid aad loo hadal haayo oo saacad kast la filan karo in dagaal dhaco, iyadoo hada aanay jirin wax xabad ah ayaa hadane waxa muuqata dhaliilada colaadeed ee labada dhinac.

Shalay gelinkii dambe ayaa dagaal kooban wuxuu dhex maray Ciidamada Maamulka Nmabar 50 iyo Isbaheysiga Shabaab iyo Mooryaanta oo isku dhinac ah, waxaana dagaalkaas ku jabay isbaheysiga dhulka kusoo duulay, halka wax khasaare ah uu soo gaarin Ciidamada deegaanka.

Wixii warar ah ee kusoo kordha halkan ayaan kusoo gudbin doonnaa insha allah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE