Aah…..Yaa Wadani ah…..? Dr Cali Baaba Oo Fariin U Direy Xildhibaanada Baarlamaanka Fedaraalka

Xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka Tobanaad ee 2017 —-20020, marxalad iyo Qaabkasta aad ku timaadaanba,waxaa tihiin xildhibaanada u dhaartay Danta:-Diinta,Dadka & Dalka, idinka ayaa ummada ugu wakiil ah, hadaba Golahan waa Golihii Hal-beega sharciga iyo sharci-dajinta Dalka.
Xildhibaano ogsoonaada in aad Masiirka ummadda idinku Gacanta ku heeysaan, Dadka &Dalka Waxeey idinka sugayaan, in aad u doortaan, Mas’uuliyiin Damiir-diineed & mid wadani-nima leh.

Ummadda Soomaaliyeed waxeey qabaan wal-wal iyo walaac xoogan, kadib markii masuul-sare oo u dhashay wadanka Ethiopia, oo la hadlaayay wakaalada wararka ee AFP,uu Sheegay in Taariikhda markii ugu horeeysay ay Dowlada Ethiopia yeelato wazaarada Gaadiidka Badda & kalluumeysiga,eeyna soo iibsadeen Maraakiib xamuul & kalluumeysi casri ah.

Waxa la weydiiyey Wasiirka halka ay ka howlgalayaan & Dakadaha fariisinka u noqonaya ayuu carabka wuxuu aad ugu adkeeyay in ay galaangal & saaxiibo ku leeyihiin saaxada siyaasada ee  Soomaaliya, Isagoo intaa ku daray, Riyada & Rajada wazaaradan ay ku xirantahay, guusha Isbaheeysigooda, uu hogaamiyaha ka yahay Shariif Xasan oo ah Murashax u ah labada xil ee ugu sareeya Dalka Soomaaliya & C/rashiid Xidig oo isna u taagan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka,

Guusha Shariifka & Xidig, wazaarada Gaadiidka Badda & kalluumeysiga Ethiopia, waxaa marsa u noqonaaya Dakadaha, Kismayo,Boosaaso, Marka & Jaziira, Badda ay ka kulleymsanayaana waa Xebaha Soomaaliya, hadaba xildhibaano hadii Riyaasi Ethiopia ay u rumoowdo,Mooshin aad ka keentaan laguma xalin doono ee waa inaad hada ka hortagtaan Damaca waalan ee Ethiopia.

Shariif Xasan & C/rashiid Xidig, hadii aad ka hortagi weeysaan, Mooshin & calaa-cal midna wax ma tari doono,. Ummada Soomaaliyeedna waxaan leeyahay hadii ay xildhibaanada ku fashilmaan ka hortaga shirqoolka Ethiopia & Shariif Xasan, isu diyaariya Barashada Afka Amxaariga.

W/Q Dr,Cali Cabdi Baab
Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open