Ciidamada Amaanka Ee Maamulka Marka Oo Gacanta Ku Dhigay Dhagarqabe Ka Tirsan Alshabaab Iyo Saanad Uu Waday, Mid Kalana Toogtay

Wararka ka imaamanay magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in Ciidamada amaanka ee Maamulka Marka ay gacanta ku dhigeen dhagar qabe ka tirsan Alshabaab halka ay toogasho ku dileen mid kale oo la socday.

Laba dhagar qabe oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab ayaa saake waxa lagu arkay mid ka mid ah goobaha ay maamulaan Ciidammada deegaanka, waxaana dhagar qabayaashan la sheegay inay kusii jeedeen dhinaca Laamiga Buufowbacaad.

Waa laba wiil oo da’dooda lagu qiyaasay 27 jir-31 sano jir, kuwaas oo waday Booshashka qoryaha oo rasaas ay ku dhaansanaayeen iyo dharka dumarka sida Jalaabiib iyo dhar kale, waxaana ay isku dayeen in ay ka baxsadaan Ciidamada xilli ay ku beegnaayeen Xaafada Barcada oo ka tirsan Horseed.

Ciidamada ayaa markii ay isku dayeen in ay ordaan rasaas ku furey waxaana rasaastaas ku geeriyooday mid ka mid ah Shabaaka, halka midka kale uu isdhiibay markii uu naftiisa u baqay, waxaana uu ka xog waramay halkay kusii jeedeen.

Ninka la qabtay ayaa la weydiiyey in uu bixiyo nambar ama xiriir lala wadaagi karo Eheladisa si loo ogeysiiyo in uu wiilkooda gacanta ku jiro, waxaana la helay Abtigii oo sheegay in uu Ninkaas ka mid yahay Alshabaab oo wax xiriir ah aanu kala dhaxeyn reerkiisa sidaa darteed loo gudbiyo arintiisa kooxda uu ka tirsanyahay.

Saraakiisha Ciidamada deegaanka oo xilligan gacanta ku haaya dhagar qabaha ka tirsan Alshabaab ayaa baaritaan dheeraad ah ku haaya, waxaana ay sheegeen in ay warbaahinta usoo bandhigi doonaan markay dhameystaan baaritaanada ay ku wadaan.

Dhacdadaan ayaa dhacday saake aroortii waxaana dadka ay ku waa bariisteen iyadoo uu fuley howlgalka, lagu qabtay kooxda dhagarta ku caan baxday ee alshabaab.

Waa dhacdadii seddaxaad oo muddo ku siman hal Todobaad lagu qabanayo dhagar qabayaal ka tisran Alshabaab iyo hubkooda, waxaana laga yaabaa in ay sii socdaan dadaalada ay wadaan Ciidaada Deegaanka ee lagu xasilinayo magaalada Marka iyo nawaaxigeeda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE