Ciidamada AMISOM Oo Qirtay Inay Dad iyo Xoolo Ku Laayeen Deegaano Ka Tirsan Shabeelada Hoose

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa war ay soo saareen ku sheegay in Ciidamadooda ay dileen Geel iyo wiilal dhalin yara ah oo joogay Gobolka Shabeelada hooe.

Warkan oo uu soo saaray Afahayeen u hadlay AMISOM oo lagu magacaabo Joe kibet ayaa cadeeyey in 25 neef oo Geel ah iyo laba wiil ay ku dieen deegaanka Wareermaleh oo u dhow degmada Baraawe.

Afahayeenka ayaa sheegay in dilkan uu dhacay ka dib markii halkaasi uu ka dhacay weerar ay soo qaadeen kooxda Shabaab sidaana uu ku bilowday dagaal muddo saacadooyinka socday oo dhex maray Alshabaab iyo AMISOM.

Geelka iyo dhalanyarada la socotay ayey tilmaameen in ay ku sugnaayeen deegaanka lagu dagaalamay islamarkaana hubkii cuslaa ee leysku adeegsaday ay sababeen in ay ku dhintaan 25 Neef oo Geel ah iyo Laba Wiil oo ilaala ka ahaa.

Dhinaca kale Afahayeenka ayaa sheegay in ay socdaan kulamo iyo wadatashiyo ay la leeyihiin Maamulka deegaanka iyo dadkii xoolaha iyo wiilasha laga laayey, waxaana uu intaa ku daray in ay ka talin doonaan wixii dhacay.

Ciidamada AMISOM ayaa dilalka ugu badan Soomaaliya waxa ay ka gedyataan Gobolka Shabeelada hoose, dilalka ay gestyaan ayaa intooda badan ay inkiraan halka kuwa ay qirtaanna ay ku lamaaneeyaan inay ku dhinteen dagaal dhex maray Shabaab iyo Ciidamadooda.

Ma jiro Maamul dowladeed ama mid deegaan oo weli wax ka qabtay dhibaatada AMISOM ee weli ay ku hayaan Shacabka, waxaana shacabka ay dhexda ugu jiraan maleeshiyo arxan laabayaal ah oo qaraxyada ku dhex aasa meelaha ay ku badanyihiin Shacabka iyo Ciidamada Midowga Afrika oo dhibkii ay geystaan aan loo raacanin.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open