Ciidamada Dowlada Ciraaq Oo Guulo La Taaban Karo Ka Gaaray Dagaalka Kooxda Daacish Ee Ka Socda Magaalada Mosul (Sawiro)

Ciidamada Dowlada Ciraaq oo ku hubeysan Taagiyada iyo hubka waaweyn ayaa ka gudbay mid ka mid ah difaacyada kooxda la baxday magaca Khilaafada Islaamka ee Daacish.

Dagaal muddo bilooyin ah ka socda magaalada Mosil ayaa maanta Ciidamada Ciyaaqiyiinta waxay gaareen bartamaha magaalada  Marka oo todobaadyadii lasoo dhaafay uu ka haaystay ismari waa, iyadoo ay horjoogeen Ciidamo hubeysan.

Inta badan Bariga magaalada ayaa waxa dib ula wareegay Ciidaada taabacsan Dowlada iyadoo laso odhaagayo in weli kooxaha mucaaradka ee dowlada kasoo horjeeda ay ku xooganyihiin Galbeedka Mosil.

Taangiyada waaweyn iyo Diyaaradaha dagaalka ayaa weerar xoogan ku xaafadaha weli ay ku harsanyihiin kooxda Daacish, iyadoo ay jiraan difaacyo aan la mari karin oo kooxda ay soo hordhigtay Ciidamada dowlada Ciraaq.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran