Ciidamada Maamulka Jubbalanad Oo Aad Ugu Soo Dhawaaday Magaalada Jamaame Ee Gobolka Jubada Hoose

Ciidamada difaaca ee Maamul Goboleedka Jubbaland oo shalay ka dhaqaaqay magaalada Kismaayo ayaa gaaray deegaano aad ugu dhow magaalada Jamaame.

Deegaanka Sanguuni oo qiyaas ahaan 15 km u jira Jamaame ayaa waxa fariisin cusub ka sameystay Ciidamada ka dhaqaaqay Kismaayo, halkaas oo loo arko fariisin istaraatiiji u ah la dagaalanka kooxda mayalka adag ee Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa ku waramaya in uu bilowday gulufka lagu xoreenayo degoomyin badan oo ku yaala Gobolada Jubbooyinka halkaas oo ay xoog  ku joogaan Maleeshiyada Alshabaab.

Wararka laga helayo degmada Jamaame ayaa ku waramaya in culus xoog leh laga dareemayo Jamaame oo ka mid ah meelaha ugu badan ee dhibaatada ay ka geystaan Shabaabka hubeysan.

Waxa laga yaabaa in Ciidamada Jubbaland ay qaadaan weeraro ka dhan ah kooxaha kasoo horjeeda iyadoo Madaxda maamulkaas ay ku goodiyeen in Shabaabka loo ogolaan doonin ay dhibaateeyaan Shacabka oo xoolahooda iyo dhiigooda ay baneystaa.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE