Dhageyso Ciidamada AMISOM Oo Laba Wiil Oo Walaala Ah Ku Dilay Deegaanka Wareer-male Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Ciidamada AMISOM ayaa shalay duleedka Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku dileen labo wiil oo walaalo ah sida ay  sheegeen dadka degaanka.

Kolonyo ay la socdeen Ciidanka AMISOM oo ka amba baxay Magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday Degmada Baraawe, ayaa la sheegay in ay geysteen dhacdadaan Xanuunka badan.

Wiilashan oo lagu kala magacaabi jiray C/raxmaan Xasan Burad oo 17 jir ahaa iyo Cabdi Xasan Baryare oo 15 jir ahaa, ayaa dilkooda waxaa uu ka dhacay degaanka  Wareer-male, oo hoos-tagga Degmada Baraawe.

Ruqiyo Abshir Nuur oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa  xaqiijiysay in dilkaan ay geysteen ciidamada AMISOM.

Xildhibaanada ayaa xustay in falkaan uu yahay mid laga naxo , islamarkaana AMISOM ay caadeysatay xasuuqa shacabka kunool gobolka Shabeelaha Hoose,  Falkaan ayaa waxaa geystay ciidanka dowladda Uganda ee qeybta ka ah AMISOM.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran