Dowolada Sacuudiga Oo Soomaaliya Usoo Direysa Baariyaal Caafimaada Si Baaritaan Loogu Sameeyo Xoolaha

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in dalka Soomaaliya ay u soo direyso dhaqaatiir baarta xoolaha laga dhoofiyo dalka Soomaaliya ee la geeyo magaalooyinka dalka Sacuudiga.

Wasaarada xanaanada xoolaha iyo deegaanka Sacuudi Carabiya ayaa shaacisay in dhaqaatiir Sacuudiyaan ah ay usoo direyso dalka Soomaaliya, kuwaasi oo hubin doona caafimaadka xoolaha Soomaaliyeed ee loo dhoofiyo Sacuudiga.

Dhaqaatiirta ayaa tagi doono magaalooyinka Berbera iyo Boosaaso oo ay ku yaalaan maxjarada ugu badan ee laga dhoofiyo xoolaha loo iib geeyo dalka Sacuudiga.Sacuudiga ayaa xoolo gaaraya 10 kun oo neef ka iibsada caalamka, waxaana 5 kun oo kamid ah uu ka iibsadaa dalka Soomaaliya.

Wasaarada xanaanada xoolaha Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka warqabaan dhaqaatiirta ka imaanaya Sacuudiga, maadaama lagu soo wargeliyay.

Bishii ugu dambeysay sanadkii lasoo dhaafay ayaa dowladda Sacuudiga waxay joojisay xoolihii ay ka iibsan jirtay Soomaaliya xanuuni laga sheegay awgeed, laakiin dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in baaritaan kadib la ogaaday inay caafimaad qabaan xoolaha Soomaaliyeed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran