Gudiga Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Oo Soo Bandhigay Liiska Musharaxiinta U Taagan Tartanka Gudoomiyaha Iyo Ku Xigeenka Koowaad (Akhriso)

Guddida Aqalka hoose ee baarlamaanka Somaliya u qaabilsan doorashada Gudoonka baarlamaanka ayaa shaaciyey musharaxiinta soo gudbiyey codsiyada ay ku dalbanayaan in loo doorto hogaanka baarlamaanka.

Guddida ayaa soo bandhigtay musharixiin tiradoodu gaareyso ilaa 6 kuwaas oo u tartamaya Gudoomiyaha aqalka hoose ee baarlamaanka, halka Gudoomiye ku xigeenkana ay u tartamayaan tiro intaas ka badan.

Liiskan laguma soo darin musharaxiinta u tartameysa Gudoomiye ku xigenka labaad ee maraalamaanka, waxana kaliya ee lasoo gudbiyey Musharaxiinta Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenka koowaad.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran