Kulan Uu Soo Qaban Qaabiyey Maamulka Jubbland Oo Lagu Taageeray Musharaxnimada Prof Jawaari (Video)

Odayaasha dhaqanka ee Maamulka Jubaland oo maanta Kulan ku yeeshay Magaalada Kismaayo, Ayaa Taageero Xoog leh u muujiyey Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Soomaaliya,  Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawari oo mar kale u taagan qabashada Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan dadka kale ee isku Sharaxay Xilkaasi, Iyagoona ku baaqay in loo doorto Jawaari, Kulankan oo uu soo Qaban qaabiyey Maamulka Jubaland ayaa  Waxay Fariin adag u tahay C.rashiid Maxamed Xisig oo isagu doonaya inuu Xilkaasi Qabto.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran