Madaxweyne Gaas Iyo Beeshiisa Oo Qarsan Waayey Nacaybka Ay U Qabaan Beesha Maxamuud Ibraahim (Reer Maxamuud)

Dhibka haysata shacabka puntland maha kan hada taagan ee waa mid soo jiitamayay intay jirtay,bacdamaa loo weeciyay wado qaldana lala aaday habsami usocodkii tubta toosan ee yagleelidii maamul gooleedka puntland kaasoo ku dhisnaa,in loo sinaado dhanka dhaqaalaha iyo siyaasada,iyadoo laga duulayo baahi ku timid burburkii ka dhacay soomaaliya ee dawladii dhexe 1991dii. si loo badbaadiyo qorshe kumeel gaara oo  gacana lagu ilaashanayo nabad galyada  iyo hormarka shacabka kubahoobay puntland,gacana lagu raadinayo dawladii dhexe ee soomaaliyeed ee burburtay dagaaladii sokeeye.

Inbadan oo wax garad ah oo reer puntland ayaa u arkaysay arinka sidaa una fahantay sidaas kor ku xusan balse waxaana shacabku hoos u eegin ma baadiida SSDF ee qabyaalada ku dhisan ayadoo u aragta in shacabka laga dhigto jaranjar lagu gaaro soomaaliweyn iyo dhaqaalihii iyo xoogii barta laga helayo ayadoo qorshaba aan lagu darsan in laga soo qayb galiyo siyaasada iyo barta ay higsanayso puntland,waxaana weeye shacabku inayar mooyee maha SSDF.mar hadayna ahayn ururkaa xaqmalaha weeye.shacabkana waxaa lagu qalday burburka dalka ka dhacay iyo  u joodooyin tolnimo oo lagu beer laxawsaday si loogu danaysto.

Waxaa indhawaalaba socday puntland gudaheeda,baraarug wayn oo shacabku ku doonayaan xuquuqdooda kaasoo aan kutilmaamay THE GREAT WAKE-UP baraarugii waynaa ama u istaagid xoogleh oo beeluhu kudoonayaan xuquuqdooda.hadaba waxaan qarsoonayn in beesha degta mudug ilaa kilinka shanaad beesha REER MAXAMUUD inay hormood utahay dadyawga xaqooda udiriraya ee lagu dulmiyay sheerkii dhaqaale,siyaaso ee ay kulahaayeen maamulka puntland lagu dhisay 1998 kaasoo la majara
habaabiyay u jeedooyinkii loo aas aasay oo ahayd danta guud inuu kashaqayeeyo iyo u adeegid bulshada si garbo siman oo dheeli tiran leh.

Waxaan aragnaa guuxa iyo sawaxanka shacabka puntland ka yeeraya waayadaanba oo baaqyo is daba joog ah ku muujiyay gocoshadooda,taasoo maamulku uu iska dhaga tiray.waxaa cabanaya beesha goldogob waxaa cabanaya beesha cagaaran waxaa cabanaya beesha sool  waxaa cabanaya beesha sanaag waxaa cabanaya beelaha bari oo kacabanaya duudsiga iyo quursiga kaga imanaya maamulka madaxweeyne Cabdiweli Gaas oo maxkamadi u xukuntay kursiga.

Hadaba beesha galkacayo ama dagmada DAARUSALAAMiyo Goldogob Maxamuud Ibraahim (REER MAXAMUUD) waxay hormood utahay kana go an in ay hirgaliso mabaa’diida cadaalada ku dhisan oo ah in isbadal lagu sameeyo maamulka ay jifo xiratay kana fog cadaalada iyo sii jiritaanka mustaqbaleed ee gobolka si taa loo gaaro oo umada loo bad baadiyo waxaan ku baaqaynaa cadaalad xaga dhaqaalaha,xaga siyaasada,oo beeluhu usinaadaan,waxaana lagu gaari kara isbadal maamul oo  dag dag ah oo kaliya.

Cabdiweli Cali Gaas oo ilaa marka talada dalka soo galay heer federal iyo heer Puntland ka dhaariyey in Reer Maxamuud matalaad ka helo.

Talaabooyinku qaaday ila markuu PM (Wasiirka koowaad)noqday

1. Qunsulkii u Fadhiyey dowlada Somaliyeed Yemen Muqtar Jeyte oo safiirnimadii ka qaaday

2.  C/raxiin Yuusuf faarax Dujaana wasiir ku xigeenka Wasaarada Macdanta biyaha Tamarta iyo shidaalka  uu Dawladii Federalka ka saaray .

3.2012kii Cabdullaahi Uule oo  Xildhibaanamidii aqalka hoose ka hor istaagay

4. Markuu Puntland yimidna wuxuu sii ambaqaaday habdhaqankii Cabdullaahi Yusuf horseeday ee Reer Maxamud lugu duudinayey, loogana ilaalinayey inay talada Puntland wax ku yeeshaan.

5.Cabdiqadar Faarax shaaciye oo uu ka hor istaagay inuu soo galo aqalka sare ka dib markuu amray in ay la tartamaan beesha Awrtable iyo Beesha Wabeeneeye waxay ahayd in sida beeshiisa iyaga dhexdooda u tartameen ay beesha reer maxamuud dhexdooda u tartanto taasoo baarlamaanka puntland uu u gudbiyey qoraal ah in uusan ku guuleysan Cabdiqadar faarax waxaana heynaa cadeyn hadaan nahay waxgaradka beesha.

Waxaa Reer Maxamuud sababsaday keliya inay dagaal ay sharaftooda iyo jiritaankooda ku difaacanayeen la galeen Cumar Maxamuud 1993 . Dagaalkaasi intiisa badan wuxuu ka dhacay degaanka xuduudda Ethiopia ee Gobolka Mudug. Waxaa ku dhintay ilaa 200 oo will oo labada dhinac ah.

 Colaadaha noocaas ah inta badan waa ka dhex dhacaan meel walba dad Soomaaliyeed degan yihiin. Gaar ahaan dadka ehelka sida Reer Maxamud iyo Cumar Maxamud waa ka gudbaan mana saamayso wada noolashaha iyo siyaasada degaanka.   

Waxaase nasiib daro ah in siyaasadda Puntland ee uu hogaaminayo Cabdiweli Gaas iyo dadka ay ehelkiisa ee isku waraajiyey ee Garoowe looga yaqaano “Buur-buurka” ay colaadaasi si cad uga muuqato.

Mana qabato beesha REER MAXAMUUD dulmigaa iyo gafkaa iyo gabood falkaa foosha xun ee dr gaas iyo beeshiisa kula kacay si bareera ah beesha.

Beeshuu waxay ilaalisay ehelnimada iyo dadku waxa uu isu yahay ee ka dhaxeeya,waxay ilaalinayaan qawlka iyo talada danta wada jirka guud ee bulshada,sidaa daraadeed bari bay kayihiin siday cadeeyeen maamulkaa sadbursiga iyo qawl la’aanta ku sifaysan.beesho banan bay ka taagan tahay dr gaas iyo maamulkiisa guracan.magaranayno bay yiraahdeen waxgaradku cida uu dr gaas wax kala cararayo!!

GUNAANAD
Hormarku waxa uu ku jiraa marka la helo hogaan wanaagsan oo bulshada u horkaca tubta toosan oo ah wax baayaala dalka oo ah khayraadka dalku leeyahay dawladaana gacanta ku haysa oo maamusha haloo qaybiyo sicadaalad ah ayadoo la darsayo sida baahi ahaan lookala mudan yahay,si dheeli tiran oo cadalad ku jaango’an.
Daarusalaam gobalka mudugLiibaan Cali  Qaalid3@hotmail.com

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE