Mid Ka Mid Ah Ilaalada Xildhiaan Xuseen Cali Xaaji Oo Shalay Dil Ka Geystay Magaalada Muqdisho Oo Lagu Wareejiyey Hey’ada Dambi Baarista CID

Mid ka mid ah ilaalada Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji oo shalay gelinkii dambe dil argagax leh ka geystay magaalada Muqdisho ayaa waxa lagu wareejiyey hey’ada dambi baarista qaranka ee CID-da.

Askariga oo lagu magacaabo Qaasim Ibraahim Aadan ayaa ka mid ahaa Istaafka sida gaarka ah uu ugu kalsoonyahay Xuseen Cali Xaaji, waxaana shalay dil bareer ah uu u geystay Aabe laba Caruur ah oo uu dhalay ku watay gaari, kaas oo xilliga la dilayey maraayey Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah dilka ayaa yimid ka dib markii Gaariga uu saarnaa Marxuumka lagu amray in uu wadada baneeyo, waxaan ka dib xigtay rasaas marxuumka geeriyooda ka haleeshay cunaha, waxaana goobtaas shook ku qaaday labada Caruur ee uu dhalay.

Ciidamada Dambi baarista Soomaaliyeed ayaa xalay la wareegay Qaasim oo ku xirnaa markaas Saldhiga Boliiska Degmada Waaberi, ka dib waxaa Qaasim loo wareejiyey xarunta CID, waxaana lagu soo waramayaa in uu ku socdo baaritaan la xiriira sababta dilkan keentay.

Allaha u naxriisteen Ninka la dilay oo lagu magacaabo Cumar Nuur Cali ayaa ka tirsanaa Ciidamada Boliiska, waxaana maanta lagu aasay Magaalada Muqdisho, Dhacdadaan naxdinta leh ayaa waxaa aad ugu argagaxay dadkii goobta ka dhawaa oo ku soo xoomay caruurta yar yare e aabahood lagu hor dilay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran