Photo News Qeyb Ka Mid Ah Maareynta Nolosha Dadka Ku Barakacay Duleedka Nambar 50

Qoysaska ku barakacay deegaanada Galbeed ee degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa bilaabay inay maareeyaan Noloshooda.

Deegaanada Gobolka qaarkood ayaa  waxa ka jira Abaar saameyn ba’an ku yeelatay dadka iyo duunyada, waxaana dadka qaar ugu darsoomay colaad ay horseedeen kooxo burcad iyo tuugo isugu jira oo ka macaasha dhiiga Shacabka.

Deegaanka Fida-kuus iyo meel ku dhow Xerada Aala-yaasir waxa ku yaala Ceel biyood ay maamulaan Odayaal in muda ah gacanta kusoo haayey.

Isha kaliya ee ay ku manaafaceysteen dadka iyo duunyada ayaa noqotay Ceel biyoodka oo biyaha looga soo saaro Matoor.

Inkastoo ilaha Biyaha baahiyaadkooda ay yaraadeen ayaa hadana waxa deegaanka ka muuqata abaar xun oo laga dheehan karo sawirada hoos aan kusoo gudbin doonno.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE