Qaraxyo Khasaare Geystay Oo Caawa Lagu Weeraray Maqaayado Ku Yaalla Magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in caaw qaraxyo lagu weeraray maqaayado ku yaalla degmada Hodon ee Gobolka Banaadir.

Qaraxyada oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan ayaa lagu weeraray Maqaayado ku taalla Xaafada Tarabuunka oo ku taala degmada Hodon, halkaas oo la sheegay in xilliyada qaar ay ku shaahaan Ciidamo ka tirsan kuwo dowlada.

Dad goobjoogayaal ahaa ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqleen qaraxyo xoogan oo goobta ka dhacay hase ahaatee ilaa hada anay garaneyn qayaxada nooca ay ahaayeen, waxaana kala cadeyn in qaraxyada goobta ay kusii aasnaayeen iyo in lasoo tuurey.

Ku dhawaad 15 qof oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegayaa in goobta lagu arkay, iyadoo markii dambe ay halkaasi gaareen Ciidamada dowlada oo xirey goobta.

Wixii warar ah ee kusoo kordha halkan ayaan kusoo gudbin doonnaa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran