Taliyaha Ciidamada Uganda Iyo Saraakiil Kale Oo Booqasho Ku Tagay Degmooyin Ka Tirsan Gobolka Shabeelada Hoose (Sawiro)

Taliyaha Ciidamada Uganda oo maalmo ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa booqasho wuxuu ku tagay degmooyi ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose.

Sarkaalka lagu magacaabo Katumba Wamala oo taliyaha Ciidamada ee dalka Uganda oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Amisom iyo Taliyaha Ciidamada Amisom ee Soomaaliya ayaa tagay degmooyinka Qoyrooley iyo Baraawe.

Ciidamada ku sugan degmooyinka Qoryooley iyo Baraawe ayaa soo dhaweeyey Taliyeyaasha halkaasi gaaray, waxaana ay wada yeesheen kulamo is xog weedaarsi ah oo la xariira sida uu usocdo howlgalka Midowga Afrika ee lagula dagaalamayo Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE