Xog La Yaableh Oo Uu Bixiyey Dhagar qabahii Maanta Lagu Qabtay Magaalada Marka

Ciidamada Amaanka ee maamulka Marka ayaa manta qabtay dhagar qabe ka tirsan Alshabaab halka ay toogasho ku dileen mid kale oo la socday.

Dhagar qabahan oo ka tirsanaan Alshabaab oo isagoo dhaawac ah gacanta u galay Ciidamada Amaanka ayaa lagu wadaa baaritaano la xiriira shaqadiisa iyo goobta uu ka shaqeyn jirey.

Saraakiisha Baaritaanka ku haaya ayaa si hoose noola wadaagay xogo uu bixiyey Ninkan oo da’diisa ay u dhaxeyso 27 jir ilaa 31 sano jir oo hada gacanta lagu haayo.

Ninkan ayaa sheegay in ay uu ka shaqeenayey inta u dhaxeysa Janaale iyo Gendershe isagoo qaabilsanaa u adeegidda horjoogayaasha (Amirada) oo uu ka xayirmay gaadiidka ay adeegsan jireen.

Waxa uu ka sheekeeyey maamulka Alshabaab Marka ugu magacaaban iyo qaababka ay u howlgalaan isagoo daaha ka qaaday in ay jiraan Mooryaan horey uga mid ahaa kuwii dadka Shacabka ah ku dhibaateyn jirey Ceelwareegow iyo Buufowbacaad loo dhiibay shaqooyin ay ka mid yihiin basaasnimo iyo soo aruurinta xogta Ciidamada Milateriga.

Sidoo kale waxa uu sharaxaad ka bixiyey horjoogayaasha inta badan ka howlgala Gobolka gaar ahaan deegaanada hoos yimaada magaalada Marka, waxaana uu sheegay in intooda badan ay kasoo jeedaan laba Beelood oo kala ah Habargidir iyo Gaaljacel.

Mgacyada Horjgayaasha ugu badan ee Beelahaas kasoo jeeda ayey naga codsadeen Saraakiisha Ciidamada deegaanka in aan lasii baahin Magacyadooda iyo meelaha ay ku dhuumaaleystaan, waxaana ay arintaas uga gol leeyihiin howlgallo ay ku doonayaan in ay ku beegsadaan.

Dhagar qabahan ayaa dhinaca kale sheegay in jiraan horjoogayaal kale oo awoodooda ay iska hooseyso oo Gobolka ku sugan kuwaas oo dhaliilsan sida Maleeshiyada Shabaab ay u wajaheyso dagaalada ay ku barakacinayaan dadka shacabka, kuwaas oo aan warkooda la maqlin.

Saraakiisha Wareysiga ku haaysay ayaa weydiiyey xogta uu ka haayo sababaha keenay in Alshabaab ay yareeyaan weerarada iyo qaraxyada ay ku qaadi jireen Deegaanada ay maamulaan Ciidamada deegaanka ayaa kaga jawaabay.

“Alshabaab dagaalka ay idin la gashay waxba kuma faa’iidin cadow cusub ayaad ku noqoteen, dhulka kala yaqaana, hada Janaale, Bariir iyo Jilib dad badan maka joogaan duurka ay ku dhuuntaan waa is qariyaan adinkay idin ka cabsadaan, mar waxa jirtay Alshabaab iyo kuwii dagaalka geliyey ay isku qabsadeen Nimanka weli waa joogaan dhulka khasaare badanna waa nasoo gaaray ee adinka markiina duulaan qaada”.

Khasaaraha dagaalada kasoo gaaray maleeshiyada Alshabaab ayuu ku sheegay inta la ogyahay Alshabaab ay ka xanuunsadeen ayna ka qoomameeyeen dagaalkii ay la galeen Ciidamada Beesha Biimaal.

FG ah xogtan waa mid Caawa uu Bixiyey dhagarqabahii lagu qabtay magaalada Marka, la soco kuwo dheeraad ah oo ay noo balan qaadeen Saraasha Ciidmada Deegaanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran