Akhri Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare Ee Beelaha Kasoo Jeeda Gobolada Waqooyi Oo Maanta Lagu Doortay Magaalada Muqdisho

Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee kasoo jeeda deegaanada Soomaaliland oo Maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu doortay 6 Mudane oo ka mid noqonaya Aalka Sare ee dalka.

Xildhibaanada Maanta la doortay Waxaa kamid ah Xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi oo mudo dheer kasoo mid ahaa Baarlamaanadii dalka soo maray,waxaana sidoo kale ka mid ah Xubnaha Aqalka Sare Maanta ku guuleystay Muna Cumar Xasan oo ka tirsaneed Wariyaasha  Warbaahinta dowladda.

  1. Xildhibaan Cabdi Xaashi cabdulaahi.
  2. Xildhibaan Muxudiin Sheekh Jaamac.
  3. Xildhibaan Mustaf Maxamed Qodax.
  4. Xildhibaan Muna Cumar xasan.
  5.  Xildhibaan Cabdikariin Maxamed Xasan
  6. Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Cali
Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open