Akhriso Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare Ee Beelaha Waqooyi Oo Maanta Ka Bilaabaneysa Magaalada Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka bilaabanaya doorashada xildhibaanada aqalka sare u matalaya Goboladda Waqooyi ee dalka, iyadoo aad loo adkeeyay amaanka goobta doorashada ka dhaceyso.

Ilaa lix xildhibaan ayaa la filayaa in maanta lagu doorto magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ku biiraya xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka oo lagu soo doortay magaalooyinka Jowhar, Baydhabo, Kismaayo, Cadaado iyo Garowe.

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa hakad ku jiray doorashada xildhibaanada aqalka sare ee matalaya Goboladda Waqooyi, balse waxaa hadda muuqata in la dhameeyay khilaafkii ka taagnaa doorashada.

S
Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE